settings icon
share icon
Su’aal

Maxaa dhaca dhimashada kadib?

Jawaab


Ku qoran aaminaada Kirishtaanka, waxaa jiro jah wareer tiro badan ee la xiriiro waxa dhaca dhimashada kadib. Qaarkood waxay aaminsanyihiin in dhimashada kadib, qof walba “jiifanayo” illaa xukunka ugu dambeeyo, taas oo kadib qof walba loo dirayo janada ama naarta. Kuwa kale waxay aaminsanyihiin in hadeer la joogo dhimasha, in dadka si dhaqso ah loo xukumayo oo loo dirayo meelahooda ay ku raagaan. Weli qaarkood waxay sheegtaan in markii dadka dhintaan, ruuxooda/isbiriidka loo diro jano ama naar “ku meelgaar ah,” si u suggaan soo noolaanshaha ugu dambeyso, iyo kadib gabagabeynta meeshooda ay ku raagaan. Marka, muxuu ayuu dhabtii ka jiri Baybalka ayaa dhacayo dhimashada kadib?

Marka koowaad, dadka aaminsan Ciise Masiixi, Baybalka wuxuu noo sheegayaa in dhimashada ruux/isbiiridka dadka aaminsan waxaa la geynayaa janada, sababtoo ah dambigooda waxaa lagu cafiyay qaabilaada Ciise oo sida Badbaadiye ah (Yooxanaa 3:16, 18, 36). Dadka aaminsan, dhimashada waxa ka “maqnaaneysaa jirka iyo guriga oo Illaah ah” (2 Korintos 5:6-8; Filiboy 1:23). Si kastaba, mariinada sida 1 Korintos 15:50-54 iyo 1 Tesaloniika 4:13-17 wuxuu qeexayaa in dadka aaminsan la badbaadiyay oo la siiyay jirar la amaanay. Haddii dadka aaminsan ay aadaan inay la jiraan Ciise islamarkaas dhimashada kadib, waa maxay ujeedada soo noolaanshaan? Waxay u muuqataa iyada oo ruuxa/isbiiridka aaminayaasha ay raacaan Masiixi isla markaaba dhimasha kadib, jirka wuxuu ku haraaqabriga “hurdayo.” Soo noolaanshaha aaminyaasha, jirka ayaa la soo nooleeyaa, la muuneeyay, kadibna lala mideeyay ruuxa/isbiiridka. Mideyntaan iyo muuneynta jirka-ruuxa-isbiiridka waxay noqonayaan ku helida daa’inka ah aaminyaasha ee janada cusub iyo dhilka cusub (Muujintii 21-22).

Mida labaad, kuwa aanan u helin Ciise Masiixi sida Badbaadiye, dhimashada waxay ula mid tahay ciqaab daa’in ah. Si kastaba, si la mid ah qadarta aaminyaasha, kuwa aan aaminsaneyn sidoo kale waxay u muuqdaan in lagu arko isla markiiba meel hayn ku meel gaar ah, oo ay ku sugayaan soo noolaanshahooda ugu dambeeyay, xukun, iyo qadar daa’in ah. Luukoos 16:22-23 wuxuu sharaxayaa nin taajir ah ee la ciqabayo isla markiiba dhimishada kadib. Muujintii 20:11-15 wuxuu sheegayaa dhammaan kuwa aanan aaminsaneyn dhimashada ee in la soo noolaanayo, lagu xukumayo carshi weyn oo cad, iyo kadib lagu tuurayaa haraha dabka ah. Kuwa aanan aaminsaneyn, kadib, looma diro naarta (haraha dabka ah) isla markiiba dhimashada kadib, laakin badelkii waxay ku jirayaan meel ku meel gaar ah ee xukunka iyo xisaabin. Si kastaba, xittaa in kastoo kuwa aan aaminsaneyn aaanan degdeg ah aanan loogu dirin haraha dabka, qadartooda islamrkaa ah dhimashada kadib ma ahan mid raaxo ah. Ninka taajirka wuu ooyay, “Waxaan ku jiraa dhibaato xun ee dabkaan ah” (Luukos 16:24).

Sidaas darteeda, dhimashashada kadib, qofka wuxuu daganaadaa jano ama naar “kumeel gaar ah”. Kadib meeshaan kumeelgaarka ah, soo noolaanshaha ugu dambeeyo, qadarta daa’inka ah ee isma badaleyso. “Goobta” saxda ah ee qadarta daa’inka ayaa ah waxa badelo. Aamniyaasha waxaa ugu dambeyntii la siiyaa gelitaanka janada cusub iyo dhulka cusub (Muujintii 21:1). Kuwa aanan aaminsaneyn waxaa ugu dambeyntii loo diraa haraha dabka ah (Muujintii 20:11-15). Kuwaan waa meelaha daa’inka ee ugu dambeeyo, ee dhammaan dadka oo dhan ah—sida ku saleysan haddii ay u aaminaan ama aysan u aaminin Ciise Masiixi kaligiisa badbaadada (Matayos 25:46; Yooxanaa 3:36).

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Maxaa dhaca dhimashada kadib?
© Copyright Got Questions Ministries