settings icon
share icon
Su’aal

Amniga daa’inka ah ma Baybalkaa?

Jawaab


Marka dadka ay u bartaan Ciise sida Badbaadiyaha, waxaa xiriir la la yeeshiyaa Illaah ee siinayo amnigooda daa’inka ah. Yuudas 24 wuxuu ku dhawaaqay, "Isaga ee awoodo inuu ka celiyo dhicitaanka ee ku hor keeno joogitaanka Ammaantiisa iyada oo aan jirin qalad iyo raaxo wanaagsan." Awooda Alle waxay sameyn kartaa inay ka celiso aaminayaasha dhacitaanka. Isaga ayay u taalaa, inaga ma ahan, inuu na hor keeno joogitaanka Ammaantiisa. Amnigeena daa’inka waxaa u sabab ah Illaah oo naga celinayo, ma ahan sida inaga aan joogteyneyno badbaadadeena.

Illaaha Ciise Masiixa ayaa sheegtay, "waxaan siiyay nolol daa’in ah, oo marnaba ma haligmayaan; ma jiro wax ka bixin karo gacanteyda. Aabaheyga, ee iyaga isiiyay, ayaa ka weyn wax walba, ma jiro qof ka bixin karo ganacta Aabaheyga" (Yooxanaa 10:28-29b). Labadaba Ciise iyo Aabaha waxay si adag noogu qabteen gacantooda. Yaa suurtogal ah oo naga gooniyeyn karo qabashada labadaba Aabaha iyo Wiilka?

Efesos 4:30 wuxuu noo sheegayaa in aaminayaasha ay ku "daboolanyihiin maalinta madax furashada." Haddii aaminayaasha aysan laheyn amni daa’in ah, xirnaanta ma noqoneyso dhabtii maalinta madax furashada, laakin kaliya maalinta dembi gelinta, kufaariinta, ama kuwa aan aaminsaneyn. Yooxanaa 3:15-16 wuxuu noo sheegayaa in cid walba oo aaminsan Ciise Masiixi wuxuu helayaa "nolol daa’im ah." Qof ahaan wxaaa la balan qaaday nolol daa’im ah, laakin kadib waa laga qaaday, marnaba maysan noqon "daa’in" si loola bilaabo. Haddii amniga daa’inka ah aysan dhab aheyn, balamaha nolosha daa’inka ah ee ku jirto Baybalka qalad ayay noqoneysaa.

Dooda ugu muhiimsan ee amniga daa’inka ah waa Rooma 8:38-39, "Waxaan iga dhaadhacsan in midkood dhimasho ama nolol, midkood malaa’igta ama sheydaamada, mana ahan hadeer ama mustaqbalka, ma ahan awood walba midkood, ma ahan midkood dhirir ama hoos, ama wax kale ee ku jira dhammaan uunka, waxaa usuurtogaleyso inay ka go’aan jaceylka Illaah ee ay ku jirto Ciise Masiixi Illaaheena." Amnigeena daa’inka wuxuu ku saleysanyahay jaceylka Illaah ee kuwa uu soo furtay. Amnigeena daa’inka ah waxaa iibsaday Masiixi, waxaa balan qaaday Aabaha, oo waxay ku daboolantahay Ruuxa Quduuska.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Amniga daa’inka ah ma Baybalkaa?
© Copyright Got Questions Ministries