settings icon
share icon
Su’aal

Muxuu Baybalka ka dhahay furiinka dib u guursiga?

Jawaab


Marka koowaad, dhibaato malahan aragtida ay qaadato arimaha furiinka, waa muhiim in la xasuusto Malaakii 2:16: “Waan necbanahay furiinka, waxaa dhahay ILLAAH Illaaha Israa’iil.” Sida waafaqsan Baybalka, guurka waa balan qaad waqtiga nolosha ah. “Marka ma ahan markale labo, laakin hal. Sidaas darteeda waxa uu Illaah isku soo daray, waa inuu aadanaha kala gooniyeyn” (Matayos 19:6). Illaah wuu ogaaday, in kastoo, in maadaama guurka uu ku lugleeyahay labo aadane dambiiolayaal ah, furiinka wuu dhacayaa. Baybalka Hore, wuxuu qoray qaar ka mid ah sharciyada si markaas loo ilaaliyo xaquuqaha dadka is furayo, gaar ahaan dumarka (Sharciga Kunoqoshadiisa 24:1-4). Ciise wuxuu tilmaamay in sharciyadaan la siiyay sababtoo ah adkaanta qalbiga dadka, ma ahan sababtoo ah inay ahaayeen rabitaanka Illaah (Matayos 19:8).

Muranka ee dhinaca haddii furiinka iyo dib u guursiga la ogolyahay sida waafaqsan Baybalka wuxuu ku daba laabanayaa marka koowaad erayada Ciise ee Matayos 5:32 iyo 19:9. Jumlada “markii laga reebo cadaalo darada guurka” waa sheyga kaliya ee Qoraalka ah ee si suurtogal ah u siinayo ogolaanshaha Illaah furiinka iyo dib u guursiga. Turjubaano badan ayaa u fahmay “markii laga reebo jumlo gaaban” sida ay ku sheegeen “guurka aanan aamina laheyn” inta lagu jiro muddada “doonida.” Caadada Yahuuda, ninka iyo naagta waa loo txigeliyay inay is qabaan iyagoo xittaa weli isku xirnaa ama “loo doonay.” Sida waafaqsan aragtidaan, sinada inta lagu jiro muddada “doonistaan” waxay kadib noqoneysaa sababta shaqeyneyso kaliya ee furiinka.

Si kastaba, erayga Gariiga la turjumay “guurka aanan aaminaada laheyn” waa eray oo micnaheeda noqon karo nooc walba ee sinada galmada. Haddii ay la micna noqon karto sinnada, dhilonimada, sinnada, iwm. Ciise wuxuu si suurtogal ah u dhahayaa in furiinka la ogolyahay haddii galmada sinnada la sameeyo. Xiriirada galmada waa qeyb muhiim ka ah xaduudka guurka: “labadaba waxay noqonayaan hal dhiig” (Bilowgii 2:24; Matayos 19:5; Efesos 5:31). Sidaas darteeda, jabinta xaduudkaas ee xiriirada galmada ee ka baxsan guurka waxay noqon kartaa sabab la ogolaan karo ee furiinka. Haddii sidaas tahay, Ciise sidoo kale dib ayuu u guursaday isaga oo niyada ku hayo marinkaan. Jumlada “iyo guursaday mid kale” (Matayos 19:9) waxay tilmaameysaa in furiinka iyo dib u guursashada lagu ogolyahay tusaale ahaan marka laga reebo jumlada, wax walboo la fasiro inay tahay. Waa muhiim in la qoro in kaliya dadka dambi laabaha ayaa la ogolyahay inay dib u guursadaan. Inkastoo aanan lagu sheegin qoraalka, ogolaanshaha dib u guursashada furiinka kadib waa naxasriista Illaah ee qofka laga dambiyeystay, ma ahan qofka sameeyay sinnada galmada. Waxaa jiri karo degdegyo halka “xisbiga dambiilaha” loo ogolyahay inuu dib u guursado, laakin maku adko qoraalkaan.

Qaarkood waxay u fahmeen 1 Korintos 7:15 sida mid kale “marka laga reebo,” u ogolaanshaha dib u guursashada haddii xaas aanan aaminsaneyn ay furto qof aaminsan. Si kastaba, xaalada ma sheegeyso dib u guursiga, laakin kaliya dhaheysaa aaminaha kuma xadeysno inuu sii joogteeyo guur haddii xaas aanan aaminsaneyn uu rabo inuu ka tago. Sheegashooyinka kale ee ku xad gudubtaa (xaaska ama canuga) waa sabab sax ah ee furiinka xittaa inkastoo aanan loo qorin sida Baybalka. Iyada oo midaan ay ka duwanaan karto xaalada, marnaba caqli ma ahan in la qiyaaso Erayga Illaahey.

Mararka qaar ku lumaa dooda ee dhinaca ka reebida jumlada waa xaqiiqda ee wax walba ee la mic yahay “guur aanan aamainaada laheyn,” waa ogolaansho ee furiinka, ma ahan sharuud iyada ah. Xitaa markii sinno la sameeyo, lamaanaha, waxay u maleeyaan qeyrka Illaah, bartaan inay is cafiyaan oo bilaabaan dib u dhisida guurkooda. Illaah wuu na cafiyay inaga wax badan. Xaqiiqdii waan raaci karnaa Tusaalihiisa iyo xittaa cafiyaa sambiga sinnada (Efesos 4:32). Si kastaba, xaaladaha badan, haddii xaaska aanan dambiga ka soo laaban oo joogteeyo sinnada galmada. Taasi waa halka Matayos 19:9 si suurtogal ah u quseyso. Kuwa badan sidoo kale waxay durbadiiba raadiyaan inay dib u guursadaan furiinka kadib marka Illaah laga yaabo inuu u go’aansado iyaga inay kaligooda ahaadaan. Illaah mararka qaar wuxuu ugu yeeraa dadka inay ahaadaan kali si markaas dareenkooda uusan kala qeybin (1 Korintos 7:32-35). Dib u guursiga furiinka kadib waxay noqon kartaa dooqa ee xaaladfaha qaarkood, laakin taasi micnaheeda ma ahan waa dooqa kaliya.

Waa murugo in furiinka ka midka ah sheegashada Kirishtaanka waxay u dhowdahay sida sareyso ee sida erayga dadka aanan aaminsaneyn. Baybalka si weyn ayuu u cadeeyay in Illaah uu necbanyahay furiinka (Malaakii 2:16) iyo in xalinta iyo is cafinta ay ahaataa aastaamaha nolosha aaminaha (Luukos 11:4; Efesos 4:32). Si kastaba, Illaah wuu aqoonsanyahay in furiinka uu dhacayo, xittaa kuwa ka mid ah Carruurtiisa. Aaminaha la furay iyo/ama dib u guursaday waa inuusan dareemin jaceyl yar oo Illaah xagiis ah, xittaa haddii furiinka iyo/ama dib u guursiga uusan ku daboolneyn sida waafaqsan ka dhaafida suurtogalka ah ee jumlada Matayos 19:9. Illaah wuxuu inta badan isticmaalaa xittaa dambiilaha sineystaha Kirishtaanka ah inuu gaaro wanaag weyn.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Muxuu Baybalka ka dhahay furiinka dib u guursiga?
© Copyright Got Questions Ministries