Muxuu Baybalka ka dhahay alkulada cabista / qamriga? Ma dambi baa in Krishtaanka cabo alkulada / qamriga?



Su’aal: Muxuu Baybalka ka dhahay alkulada cabista / qamriga? Ma dambi baa in Krishtaanka cabo alkulada / qamriga?

Jawaab:
Kitaabka wuxuu hayaa wax badan uu dhaho ee la xiriiro cabitaanka qamriga (Laawiyiintii 10:9; Tirintii 6:3; Sharciga Kunoqoshadiisa 29:6; Xaakinnada 13:4, 7, 14; Maahmaahyadii 20:1; 31:4; Ishacyaah 5:11, 22; 24:9; 28:7; 29:9; 56:12). Si kastaba, Kitaabka si muhiim ah ugama mamnuuco in Kirishtaanka biir cabo, qamriga, ama cabitaan kale oo wata alkulo. Xaqiiqda, qaar ka mid Kitaabada waxay uga hadlaan qamriga erayo wanaagsan. Wacdiyahii 9:7 wuxuu na farayaa, “Ku caba qamrigiina qalbi faraxsan.” Sabuurradii 104:14-15 wuxuu sheegayaa in Illaah siiyo qamri “taas oo farax geliso qalbiga bi’iaadamka.” Caamoos 9:14 wuxuu ka hadlayaa qamri cabista ee qeybta sida ay u tahay calaamada qeyrka Illaah. Ishacyaah 55:1 wuxuu ku dhiirogelinayaa, “Haa, kaalay iibso qamri iyo caano…”

Waxa Illaahey amar ku bixiyo ee Kirishtaanka ee la xiriiro qamriga waa ka fogaanshaha cabsanaanta (Efesos 5:18). Baybalka wuu camaareeyay cabsanaanta iyo saameynada (Maahmaahyadii23:29-35). Kirishtaanka waxaa sidoo kale lagu amray inaysan u ogolaan jirkooda in la “mariyo” wax walba (1 Korintos 6:12; 2 Butros 2:19). Qamri cabista xad dhaafka ah waa laqabsi aanan la xaqiri karin. Qoraalada sidoo kale waxay ka mamnuucaan Kirishtaanka inay waxba sameeyaan ee ku xad gudbi kartaa Kirishtaanka kale ama ku dhiirogeliso iyaga inay dambi ka galaan garashadooda (1 Korintos 8:9-13). Sida la xiriirto mabaadi’daan, aad ayay ugu adkaaneysaa in Kirishtaan walba dhaho wuxuu qamri si xad dhaaf ah u cabayaa inuu ku amaano Illaah (1 Korintos 10:31).

Ciise wuxuu biyo u badalay qamri. Waxay xitaa u muuqatay in Ciise cabay qamri dhacdada (Yooxanaa 2:1-11; Mateyos 26:29). Waqtiyada New Testament, biyaha aad uma nadiifsana. Iyada oo aan jirin nadiifin casri ah, biyaha inta badan waxaa ka buuxay bakteeriyaal, fayrus, iyo nooc walboo sun ah. Isla sidaas run ayay ka tahay wadamo walboo sadexaad maanta. Sida ay sababtay, dadka inta badan waxay cabaan qamri (ama juus soo qabsadaan) sababtoo ah aad ayay uga fogeyd in ay sumeysanyihiin. Gudaha 1 Timoteyos 5:23, Bawlos wuxuu tilmaamayay Timoteyos si uu u joojiyo biyo cabida (taas oo sida u badan ku sababeysay calooshiisa dhibaato) iyo badelkii qamri cabista. Maalintaas, qamriga cajiib ayay aheyd (oo aalkulo laheyd), laakin muhiim uma ahan herka ay tahay maanta. Waa qalad in la dhaho inay aheyd juuska canabka, laakin sidoo kale waa qalad in la dhaho inay isla sidaas aheyd sida qamriga maanta la isticmaalo. Markale, Kitaabka si muhiim ah ugama mamnuuco in Kirishtaanka biir cabida, qamriga, ama cabitaan kale oo wata alkulo. Qamriga ma ahan, gudaha iyo nafsadeeda, ee ay ku dhagsantahay dambi. Waa cabsanaan iyo balwada ee qamriga ee in Kirishtaanka gabi ahaanba ka fogaado (Efesos 5:18; 1 Korintos 6:12).

Qamriga, lagu isticmaalay tayo yar, mana dhibaateysna mana aha balwad. Xaqiiqda, qaar ka mid ah dhaqaatiirta waxay u doodaan caBIda tiro yar oo qamri ah gaduudan oo faa’idadeeda caafimaadka, gaar ahaan wadnaha. Isticmaalida tayo yar oo qamri ah waa arinta xoriyada Kirishtaanka. Cabsanaanta iyo balwada waa dambi. Si kastaba, sabab la xiriirto walaacyada baybalka ee la xirirto qamriga iyo saameynadeeda, sabab la xiriirto rabitaanka loogu isticmaalayo si xad dhaaf ah qamriga, iyo sabab la xiriirto suurtogalnimada sababeyso dambiga iyo/ama taraaraxa dadka kale, waxay inta badan u wanaagsantahay Kirishtaanka inay ka fogaadaan qamri cabida.



Ku noqo bogga Soomaliga



Muxuu Baybalka ka dhahay alkulada cabista / qamriga? Ma dambi baa in Krishtaanka cabo alkulada / qamriga?