settings icon
share icon
Su’aal

Muxuu naga baraa Baybalka Sadexnimada?

Jawaab


Sheyga ugu adag ee ku saabsan afkaarta Kirishtaanka ee Sadexnimada waa mida ma jirto wado oo si ku haboon loogu sharaxo iyada. Sadexnimada waa adkaarta ah in aysan suurtogal u aheyn iinsaan walba inuu si buuxdo u fahmo, kaligeed ha sharaxo. Illaah waa mid aan dhammaad laheyn ee ka weyn waxaan nahay; sidaas darteeda, waa inaanan ka filan inay noo suurtogasho inaan si buuxdo u fahamno Isaga. Baybalka wuxuu na barayaa in Aabaha uu Illaah yahay, in Ciise uu Illaah yahay, iyo in Ruuxa Quduuska uu Illaah yahay. Baybalka sidoo kale wuxuu na barayaa inay jiro kaliya hal Illaah. In kastoo aan fahmi karno qaar ka mid ah xaqiiqda ku saabsan xiriirka dadka kala duwan ee Sadexnimada oo midba midka kale, ugu dambeyntii, ma fahmi karaan maskaxda aadanaha. Si kastaba, tani micnaheeda ma ahan Sadexnimada inaysan run aheyn ama in aysan ku saleysneen barida Baybalka.

Sadexnimada waa hal Illaah ee ka jiro sadex Qof. Faham in midaan aysan si naba u soo jeedineynin sadex Illaah. Niyada ku haay marka aad baraneysid maadadaan in erayga “Sadexnimada” aanan laga helin Baybalka. Tani waa erayga loo isticmaalo in la isugu dayo inay sharaxdo sadexnimada Illaah—sadex wada jiro, Qofafka wada waaro ee Illaah sameeyay. Muhiimada dhabta ah waa mida afkaarta ay matasho erayga “Sadexnimada” waxay ka jirtaa Baybalka. Kuwa xigga waa waxa Erayga Illaah ka dhahay Sadexnimada:

1) Waxaa jiro hal Illaah (Sharciga Kunoqoshadiisa 6:4; 1 Korintos 8:4; Galatiya 3:20; 1 Timoteyos 2:5).

2) Sadexnimada wuxuu ka koobanyahay sadex Qof (Bilowgii 1:1, 26; 3:22; 11:7; Ishacyaah 6:8; 48:16; 61:1; Matayos 3:16-17; 28:19; 2 Korintos 13:14). Gudaha Bilowgii 1:1, the Hebrew magaca jamaca Elohim ayaa la isticmaalay. Gudaha Bilowgii 1:26, 3:22, 11:7 iyo Ishacyaah 6:8, magac u yaalka jamaca ee “inaga” ayaa la isticmaalay. Erayga Elohim iyo magac u yaalka “inaga” waa qaabab jamac ah, oo si hubaal ah ugu tilmaamayo luuqada Cibraaniyada ee wax ka badan labo. Iyada oo tani aysan aheyn dood muuqato ee Sadexnimada, waxay ku deeqdaa dhinaca jamacnimada ku jiro Illaah. Erayga Cibraaniyada ee Illaah, Elohim, wuxuu si hubaal ah u ogolaanayaa Sadexnimada.

Gudaha Ishacyaah 48:16 iyo 61:1, Wiilka ayaa hadlayo iyada oo tixraacayo Aabaha iyo Ruuxa Quduuska. Is barbardhig Ishacyaah 61:1 illaa Luukos 4:14-19 si aad u aragtid in kani uu yahay Wiilka Illaah. Matayos 3:16-17 wuxuu sharaxaa dhacdadada daahirinta Ciise'. Ku arkay mareenkaan waa Illaah Ruuxa Quduuska ee ka soo dagayo Illaah Wiilka Iyada oo Aabaha Ku dhawaaqay Farxadiisa Wiilka ah. Matayos 28:19 iyo 2 Korintos 13:14 waa tusaalooyinka sadex qof oo kala duwan ee ku jira Sadexnimada.

Xubnaha Sadexnimada waxaa lagu kala garanayaa midka ee ka imaanayo midka kale oo ee mareeno kala duwan. Baybalka Hore, “IllAAH” waxaa lagu garanayaa “Illaah” (Bilowgii 19:24; Hoosheeca 1:4). IllaaAAH wuxuu leeyahay Wiil (Sabuurradii 2:7, 12; Maahmaahyadii 30:2-4). Ruuxa waxaa lagu kala garanayaa “IllAAH” (Tirintii 27:18) iyo ka bilow “Illaah” (Sabuurradii 51:10-12). Illaah Wiilka waxAA lagu garanayaa Illaah Aabaha (Sabuurradii 45:6-7; Cibraaniyada 1:8-9). Baybalka Cusub, Ciise wuxuu kala hadlay Aabaha wax ku saabsan dirista Caawiyaha, Ruuxa Quduuska (Yooxanaa 14:16-17). Tani waxay muujineysaa in Ciise uusan tixgelin Nafsadiisa si uu u noqdo Aabaha ama Ruuxa Quduuska. Tixgeli sidoo kale waqtiyada kale oo dhan ee ku jiro Baybalka halka Ciise la hadlayo Aabaha. Ma Nafsadiisa miyuu la hadlayay? Maya. Wuxuu la hadalayay qof kale ee ku jiro Sadexnimada—Aabaha.

4) Xubin walba ee Sadexnimada waa Illaah. Aabaha waa Illaah (Yooxanaa 6:27; Rooma 1:7; 1 Butros 1:2). Wiilka waa Illaah (Yooxanaa 1:1, 14; Rooma 9:5; Kolosay 2:9; Cibraaniyada 1:8; 1 Yooxanaa 5:20). Ruuxa Quduuska waa Illaah (Falimaha Rasuullada 5:3-4; 1 Korintos 3:16).

5) Waxaa jiro hoos joogaha ku jiro Sadexnimada. Baybalka wuxuu na tusayaa in Ruuxa Quduuska uu u yahay hoos jooge Aabaha iyo Wiilka, iyo Wiilka wuxuu hoos jooge u yahay Aabaha. Kani waa xiriir gudaha iyo ma diido illaahnimada qofkoodna ee Sadexnimada. Tani si sahlan waa aaga maskaxdeena xadeysan aysan fahmi karin wax la xiriiro Illaaha aanan xadidneyn. La xiriiro Wiilka fiiri Luukos 22:42, Yooxanaa 5:36, Yooxanaa 20:21, iyo 1 Yooxanaa 4:14. La xiriiro Ruuxa Quduuska fiiri Yooxanaa 14:16, 14:26, 15:26, 16:7, iyo gaar ahaan Yooxanaa 16:13-14.

6) Xubnaha shaqsiga ee Sadexnimada waxay leeyihiin shaqooyin kala duwan. Aabaha waa isha ugu dambeyso ama sababto isticmaalka caalamka (1 Korintos 8:6; Muujintii 4:11); xyiga Illaah (Muujintii 1:1); badbaadada (Yooxanaa 3:16-17); iyo shaqooyinka aadanaha Ciise (Yooxanaa 5:17; 14:10). Aabaha ayaa bilaabay waxyaabahaaan oo dhan.

Aabaha waa wakiilka oo dhinaca cida Aabaha sameyso shaqooyinka xigga: aasaaska iyo dayactirka caalamka (1 Korintos 8:6; Yooxanaa 1:3; Kolosay 1:16-17); waxyiga Illaah (Yooxanaa 1:1, 16:12-15; Matayos 11:27; Muujintii 1:1); iyo badbaadada (2 Korintos 5:19; Matayos 1:21; Yooxanaa 4:42). Aabaha wuxuu ku sameeyaa waxyaabaha oo dhan dhinaca Wiilka, oo u shaqeeyo sida Wakiilkiisa.

Ruuxa Quduuska waa micnooyinka ee aabaha sameeyo shaqooyinka xigga: abuurida iyo dayactirka caalamka (Bilowgii 1:2; Ayuub 26:13; Sabuurradii 104:30); waxyigii Illaah (Yooxanaa 16:12-15; Efesos 3:5; 2 Butros 1:21); badbaadada (Yooxanaa 3:6; Tiitos 3:5; 1 Butros 1:2); iyo shaqooyinka Ciise (Ishacyaah 61:1; Falimaha Rasuullada 10:38). Sidaas darteeda Aabaha wuxuu ku sameeyaa waxyaabahaan oo dhan awooda Ruuxa Quduuska.

Waxaa jiray isku dayo kala duwan ee lagu hormarinayo sawirida Sadexnimada. Si kastaba, ma jiro wax ka mid ah sawirada caanka ah oo gabi ahaanba saxan. Ukunta (ama tufaaxa) wuu ku guuldareystay in qolofka, cadaanka, iyo uur ku jirta ay yihiin qeybaha ukunta, ma ahan ukunta nafsadooda, sida maqaarka, dhiiga, iyo miraha tufaaxa waa qeybaha iyada, ma ahan tufaaxa laftiisa. Aabaha, Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska qeybo kama ahan Illaah; mid walboo iyaga ka mid ah waa Illaah. Sawirka biyaha ayaa si uga wanaagsan, laakin weli way ku guuldareysataa inay si ku haboon u sharaxdo Sadexnimada. Biyaha, uumiga, iyo barafka waa qaababka biyaha. Aabaha, Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ma ahan qaababka Illaah; mid walboo iyaga ka mid ah waa Illaah. Marka, iyada oo sawirada ay nasiin karto sawirka Sadexnimada, sawirka gabi ahaanba sax ma ahan. Illaah aan xadidneyn si buuxdo looguma sharaxi karo mid xadidan.

Aaminaada Sadexnimada waxay aheyd arin qeybsan oo illaa taariiqda oo dhan ee kaniisada Kirishtaankla. Iyada oo qeybaha muhiimka ah ee Sadexnimada ay si cad u soo bandhigto Erayga Illaah, qaar ka mid ah dhinaca arinta si cad uma cad. Aabaha waa Illaah, Wiilka waa Illaah, iyo Ruuxa Quduuska waa Illaah—laakin waxaa jiro hal Illaah kaliya. Taasi waa aaminaada baybalka ee Sadexnimada. Midaas dhaafsan, arimaha waa, illaa xad gaar ah, laga doodi karo oo aanan muhiim aheyn. Badelkii la isku dayayay in si buuxdo loo qeexo Sadexnimada ee la jirto maskaxdeena aadanaha xadidan, waxaan si wanaagsan ugu adeegeynaa inaga oo diirada saareyno xaqiiqda wanaaga Illaah iyo dabiicigiisa sare ee aanan xadidneyn. “Oh, qotodheerida taajurnimada xikmada iyo cilmiga Illaah! Sidee ayaan loo baari karin xukunkiisa iyo wadooyinkiisa dhaafsan dabagalida! Yaa ogaaday maskaxda Illaah? Ama yaa la taliyihiisa ahaa?” (Rooma 11:33-34).

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Muxuu naga baraa Baybalka Sadexnimada?
© Copyright Got Questions Ministries