settings icon
share icon
Su’aal

Ma tahay badbaadada kaligeeda aaminaad, ama aaminaad iyo shaqooyin?

Jawaab


Tani waxay ila tahay su’aasha ugu muhiimsan oo dhammaan fiqiga. Su’aashaan waa sababta Dib u aasaasida, kalago’a u dhaxeeyo kaniisadaha Protestant iyo Kaniisada Katooliga. Su’aashaan waa kala duwanaanshaha ugu muhiimsan ee u dhaxeeyo Kirishtaannimada baybalka iyo inta badan nidamyada “Kirishtaanka.” Ma tahay badbaadada kaligeeda aaminaad, ama aaminaad iyo shaqooyin? Miyaan badbaado ahay kaliya aaminaada Ciise, ama miyay tahay inaan aamino Ciise iyo miyay sheeyada qaar?

Su’aasha aaminaada kaligeeda ama aaminaada iyo shaqooyinka waxay dhigtaa mid adag ee marinada qaar ee heshiisiinayo Baybalka. Barbardhig Rooma 3:28, 5:1 iyo Galatiya 3:24 iyo Yacquub 2:24. Qaarkood waxay arkaan kala duwanaanshaha u dhaxeeyo Bawlos (badbaadada waa aaminaada kaliya) iyo Yacquub (badbaadada waa aaminaad iyo shaqo). Bawlos dogmatically wuxuu yiri in cadeynta ay tahay aaminaada kaliya (Efesos 2:8-9), iyada oo Yacquub u muuqdo inuu dhahayo in cadeynta waa aaminaad iyo shaqooyin. Dhibaatadaan muuqata waxaa looga jawaabay baaritaanka waxa uu dhabtii Yacquub ka hadlayo. Yacquub wuxuu cadeynayaa aaminaada in qof uu lahaan karo aaminaad isaga oo aan soo saarin wax shaqooyin wanaagsan (Yacquub 2:17-18). Yacquub wuxuu ku adkeysanayaa qodobka in aaminaad wanaagsan ee Ciise ah ay soo saareyso nolol badalan iyo shaqooyin wanaagsan (Yacquub 2:20-26). Yacquub ma dhahayo in cadeynta ay tahay aaminaad iyo shaqooyin, laakin badelkii in qof si dhab ah ugu dhawaaqay aaminaad ahaan wuxuu helayaa shaqooyin wanaagsan ee noloshiisa/nolosheeda. Haddii qof uu sheegto inuu yahay qof aaminsan, laakin uusan laheyn shaqooyin wanaagsan ee noloshiisa/nolosheeda, kadib isaga/iyada waxay u badan tahay inaysan haysan aaminaad wanaagsan ee Masiixi ah (Yacquub 2:14, 17, 20, 26).

Bawlos wuxuu ku yiri isla sidaas qoraalkiisa. Aaminayaasha miraha wanaagsan waa inay ku helaan noloshooda inay ku qorantahay Galatiya 5:22-23. Isla markaaba kadib markaad noo sheegtid inaan ku badbaadsannahay aaminaada, ma ahan shaqooyinka (Efesos 2:8-9), Bawlos wuxuu na ogeysiiyay inaga inaan ka abuurannahay inaan sameyno shaqooyin wanaagsan (Efesos 2:10). Bawlos wuxuu filanayaa sida badan ee nolosha la badelo ee Yacquub sameeyay: “Sidaas darteeda, haddii uu qof uu ku jiro Ciise, waa xayawaan cusub; midka hore wuu baxay, midka cusub ayaa yimid” (2 Korintos 5:17). Yacquub iyo Bawlos maysan ku diidin baridooda la xiriirto badbaadada. Waxay arkeen isla mowduuca oo aragtiyo kala duwan ah. Bawlos wuxuu si sahlan ugu adkeystay in cadeynta ay tahay aaminaada kaliya iyada oo Yacquub uu ku adkeystay xaqiiqda in aaminaada wanaagsan ee Ciise ay soo saarto shaqooyin wanaagsan.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Ma tahay badbaadada kaligeeda aaminaad, ama aaminaad iyo shaqooyin?
© Copyright Got Questions Ministries