Ilaah ma Jiraa? Jiritaankiisa maxaa lagu caddeyn karaa?




Su’aal: Ilaah ma Jiraa? Jiritaankiisa maxaa lagu caddeyn karaa?

Jawaab:
Jiritaanka ilaahey lama caddeyn karo lamana dafiri karo – Baybalku wuxuu noo sheegayaa: waa inaan oggolaanaa, iimaan ahaan xaqiiqada ah inuu ilaah jiro, iimaan la’anna ilaahey lema raali gelin karo sababta oo ah qofka isaga u yimaadaa waa inuu ogolaaadaa inuu jiro oo uu ogaada lnuu u abaalgudayo qofkii si niyad leh uu soo raadiyo” (Hebrew ll:6). Hadduu ilaahey rabi lahaa intuu ismuujiyo ayuu dunida oo dhan uga marag kici lehaa jiritaankiisa. Hadduu sidaa yeeli lahaa aaminiaad looma baahdeen. “ciise wuxuu u sheegay “waxaad ii rumeysay maxaa yeelay waad i arragtey, waxaa barakeysan kuwa ayagoon i arag i rumeeyeyaan ” (John 20:29).

Hase yeeshee taas macneheedu maaha ilaahey jiritaankiisu caddeyn uma baahna. Baybalku wuxuu yidaahdaa “samadu waxey ku dhaawaaqda “ cadamada/sarreynta ilaahey. Cirku wuxuu sheegaa farsamada Gacmihiisa Maalinba Maalinta ka dambeysana saas beey uga hadlaan. Habeenba habeenka ku xigana aqoon ayey muuj’yaan. Ma jiro hadal ama luqad aan codkooda lagu maqlin. Codkoodu dhulkoo dhan ayuu wada gaaraa, ereyadooduna cidhifyada/geesaha dunidoo dhan ayuu gaaraa” (psalm (19:1-4). Xiddigaha haddaad eegtid waxaad garan/ fahmi balaadka koonka adduunka oo dhan, adoo daawanaya cajaa’ibka dabiiciga ah, ood fiirsatid quruxda cadceedu markey dhaceyso – waxyaabahaas oo dhan waxey tilmaameyaan jiritaanka ilaahey wax abuura, waxyaalahaas oo dhan’ haddeyna kugu fileyn, caddeyn kale ayaa qalbigenna ku dhex Jira. “Ecclesiastes 3:11 “ wuxuu noo sheegayaa inuu yaqiin abida qalbiga bani admiga ku dhex abuury.”

Qalbgeena gudihiisa waxynu dareemeynaa in nolosha addunkan nolol ka damleysa iyo qof kale oo ka baxsan adduukan iney Jiraan. Caqli ahaan waan dafiri karnaa cilmigaan. laakinse jiritaankiisu innaga iyo hareeraheennaba oo waa wax aad uga muuqda. Iyadoo sidaas ah baybaLku wuxuu nooga digeyaa iney jiri karaan dadka qaarkiis oo dafirsan jiritaankiisa “Doqon wuxuu qalbigiisa ka yiraahaa ilaah ma jiro” (psalm 14:1) madaama badankood ummadihii taariikhihii soo jiray, dhaqamadii,iyo xaddaarooyinkii, ee qaarad kasta ay wada aaminsanaayeen jiritaanka ilaah. Waaa iney jiraan wax/ ama qof sababaya oo caddeynayaa caqiiddada jiritaanka ilaahey. Waxaa kaloo doodda baybalka wehilya dood caqli gal ah.

Kow- dooddan waxa loo yaqaan “ Doodda ontiologlcal”. Qaabka ugu caansan doodda magacaas lehi waxey adeegsaneeysaa fikirka ah waa inuu alle caddeyaa jiritaanka alle. Waxayna ku bilaabaneysaa in” alle yahay axad wax ka weyn/sarreeyaa eysan jirin” marka in la jiraa waxay ka sarreysaa inaan la jirin., sidaas darteed waxa ugu weyn oo la aqbali karaa waa iney jiraan, haduusan ilaah jirin, marka ilaah ma noqon karo waxa/axad u sarreya/weyn oo la aqbali karo, taasina waxay burineysaa kana hor imaneysaa sifaha ilaahey. Doodda labaad waa waxa loo yaqaan, doodda Teleological. fikar kani wuxuu leeyahay, mar hadii koonku soo bandhigayo/ka muuqato farsamooyin cajiib ah, waa inay jirtaa awood ka dambeysa. Tusaale, xitaa haduu dhulku dhawr boqol oo mile u dhowaan lahaa ama ka fogaan laha qorraxda, maanu awoodi kari lahyn dhulku inuu taageero/ku noolaadaan nafleyda hadda ku nool, hadii hawadayada ay wax yar ka geddisnaan lahayd sida ay hadda tahay inta badan nafleeydu wey dhiman lahayd, suurto galnimada in 1 qeyb oo nuxurka/protein uu sameysmaa waa 1 10243kiiba (waa 10 lagu taxay 243 eberro ah) hal seel wuxuu ka kooban yahay malaayiin qeybood oo nuxur/ Protein ah. doodda saddexaad oo caqli galka ah ee jiritaanka llaahey waxaa loo yaqaan kosmolojikal: Dhacda welba waaa oo dhan waa dhacdo/natijo. waa iney jiraan wixii jiritaankooda keeney. Kaasuna “ilaahay” umbuu noqon karaa.

Dooda afraad waa midda damiirka/akhlaaqda. Dhaqmadii Taariikhihii hore ee la soo dhaafay waxay la haayeen hab, xeerar iyo sharciyo, qof kasta wuxuu lahaa dareen sax iyo qalad ah. Dilka, beenta, xatooyo iyo dhaqan/damiir xumada waa lawada diiday dunidoo dhan. Xaggeebu dareenkan saxda iyo qaladka ahi ka iman karaa oon ahayn ilaah kariim ah.

Iyadoo intaas oo dhan jirto ayuu baybalku noo sheegayaa iney dad diidayaan aqoonta cad oon la dafiri karn oo alle oo ay beddelkeedi been rumeynayaan. Romans 1:25, wuxuu leeyahay; “ waxay ku baddesheen runtii ilaahay been, waxeyna caabudeen, una adeegeen wax la abuuray oon ahayn abuure”- waana mid weligiis la ammano, Amiin.

Baybalku wuxuu kaloo caddeynayaa iney daku yihiin kuwo aan sabab u heysan rumeyn la’aantooda ilaahay, maadaama abuuridda ilaahay ee aduunku ay tahay qiimi aan qarsooneyn. Awoodiisa iyo jiritaankiisa waa wax la arkay, sidaas darteed dadku waa cududaar la’aan (romans 1:20).

Waxey dad ku anaddacoodaan iney u diidaan jiritaanka alle, maxaa yeelay kuma dhisnna cilmi, ama caddeyni ma jirto, sababta runta ah waa markey rumeeyaan jiritaanka alle, waxay ogyihiin inuu la xisaabtamayo oo ay ka cafis dalbaan (Romans 3:23, 6:23) haduu ilaah jiro, marka asagaa nagala xisaabtamaya camalkayaga. Haduusan ilaahn jirin, waxaan doonaan sameyn karnaa annagoon ka welwel qabin ilaah na xukumaya, waana sababtaas tan ugu weyn oo ay kuwa dafirsan jiritaanka alle ay aad ugu dheggan yihiin firka ah in wax kasta jiritaan dabiici ah yihiin, waxay sidaasi siineysaa qaab kale oo alle rumeyn ah. Ilaah wuu jiraa, aakhiritaankana qof kastaa wuu ogyahay inuu jiro. Xaqqiqada ah in qaar aad isugu dayayaan iney caddeeyaan inuusan jirin, runtii waa sugid jiritaankiisa.

Sidee baan u ogaan karnaa inuu ilaah jiro? haddaaan nahey masixiyiin waan ognahay inuu jiro, maxaa yeelay malin welba waan la hadalnaa, ma maqalnno asagoo nala hadlaya hadalkiisa, Laakinse inu nala joogo ayaan dareemeyna, Hogaanikiisa ayaan aragnaa, waan ognahay jeceylkiisa. raxmaddiisana waan barinaa. Nolosheenna waxyaalo badan oo wax kale oo loo tiirini karaa aysan jirin ayaa dhaca oon ilaahay ka ahayn. Ilaahey siyaabo cajiiba buu noo badbaadiyey, noloshayadana u beddelay oo aanan wax kele sameyn karin inaan qiranno maahee, bogaadinno oon amaanana jiritaankiisa. doodahaas oo dhan midkoona kama daadajin karto cid diiddan iney qirato wax hore isaga muuqda. Ugu dambeyn jirtaankiisu waa inuu ku saleysnaada aaminaad (Hebrews 11:6). rumeynta ilaahay maahaan bootin indha la’aan ah oo mugdi lagu boodayo; waa tilaabo nabad ah oo lagu tilaabsanayo qol/maqsin aad u iftiimaya oo dadka badandoodii horey u joogaan.



Ku noqo bogga Soomaliga



Ilaah ma Jiraa? Jiritaankiisa maxaa lagu caddeyn karaa?