settings icon
share icon
Su’aal

Waa maxay macnaha inaad ciise u oggolaatid in noqdo badbaaiyahaaga gaarka ah?

Jawaab


Ma oggolaatay inuu ciise noqdo badbaadiyahaaga gaarka ah? Si aad si sax ah su’aasha ugu fahamtid, waa inaad marka hore fahamtaa kalmadaha: Ciise masiixi, Gaar, iyo Badbaadiye.

Waayo Ciise Masiixi? Dad badani waxay qirayaan Ciise Masiix inuu nin wanaagsan yahay, Macallin weyn, iyo weliba inuu nabi ilaahay yahay. Intaas oo dhan xaqiiqadii wuu wada yahay ciise, laakiin si buuxda uma aysan wada sheegin qofkuu runtii yahay.

Baybalku wuxuu noo sheegayaa inuu ilaah ahaa (hilib ahaan?) ilaah qaab aadane leh (see John 1:1,14). Ilaah dhulkuu yimid si u wax noo baro, noo daweeyo, noo saxo, noo cafiyo, oo u noogu dhinto. Ciise Masiixi waa ilaah, waa abuure, waana boqor sarreeya. Ma oggolaatay ciisahan?

Waa maxay badbaadiye?, Maxaanse ugu baahan nahay badbaadiye? Baybalku waxuu noo sheegayaa inaan wada dambaabney, annagoo dhan camallo shaydaan sameynay (Romans 3:10-18). Danuubtayada awgood, waxaan istaahilnaa carada alle iyo xukunkiisa. Ciqaabta keliyoo xaqa oo dembiyaal laga galay ilaah weligi jira waa ciqaab abid ah/waarta (Romans 6:23; Revelation 20:11-15). Saasaan ugu baahannahay badbaadiye.

Ciise Masiix dhulkuu yimid, wuxuuna ku dhintay meeshayadii/annaguu noo dhintay. Dhimashada Ciise waa hor u bixin abid ah oo dambiyadayada (2 Corinthians 5:21) Ciise wuxuu u dhintay inuu baxsho ciqaabtii dunuubtayada/dembiyadayada (Romans 5:8) Ciisaa baxshay si annagu annaan u bixin. Dib u soo noolaashada ciise waxay caddeysay in dhimashadiiso ku fillaatatay bixinta magtii dambiyadayada/dunuubtayada. Saasuu Ciise u yahay kan keliya oo bedbaadiyaha ah (John 14:6; Acts 4:12). Ma u rumeyneysaa ciise badbaadiyahaaga?

Ciise ma yahahay badbaadiyahaaga gaarka ah? Dad badan waxay u arkaan iney masiixiyadu tahay kaniisadda oo la tago, caadooyin la sameeyo iyo/ama dunuubta qaar ka mida oon la sameyn. Taasi maaha massixiyo. Masiixiyada runta ahi waa xiriir gaaroo kaala dhexeeya Ciise Masiixi. Oggolaashada ciise inuu noqdo badbaadiyahaaga gaarka ah, macnaheedu waa inaad rumeysid kuna qanacdid isaga. Qofnna kuma badbaadin caqiiddada dad kale, qofnna laguma cafin waxyaalo gaara uu sameeyey. Sida keliya ood ku badbaadi kartaa waa inaad oggolaatid inuu Ciise yahay badbaadiyahaaga gaarka ah.

Dhimashadiisii waa inaad u garatid inay naf hurid dunuubtaada, dib u soo noolaashadiisana u aragtid damaanad nolol aakireed abida (John 3:16). Ciise badbaadiyahaaga gaarka ah miyaa? Haddaad rabtid inaad oggolaatid inuu Ciise noqdo badbaadiyaaga gaarka ah, ku dheh kalmadaha soo socda ilaahay, Xasuunow, dhihidda ducadan ama duco kale kuma badbaadinayaan. Keliya rumeynta ciise masiixi iyo shaqadii uu kuugu dul dhameeyey macatabka ayaa kaa badbaadin kara dambi. Ducadani waxaa keliya oo ay tahay qaab Aad alle ugu sheegeysid saad u aaminsantahay, ugana mad celineysid badbaadadiisa.

Iilaahow waan ogahay inaan danbi kaa galay oon ciqaab mudanahay, laakiin waxaan aaminsanahay inuu ciise masiixi qaatay ciqaabtaan mudnaaa, rumeyntayda darteednna laygu cafiyo. Waxaan helaa cafis dalabkaaga, waana ku aaminey sii la ii baadbaadiyo. Waxaan aqbalay inuu ciise noqdo badbaadiyahayga gaarka ah. Waad ku mahadad santahay sarreyntaada cajiibka ah iyo cafis kaaga- hadiyada nolol aakhiro abida…. Aamiin.

Miyaad go’aan masiixi ka gaartey waxaad halkan aqrisay darted? Haddey saas tahay fadlan riix badhanka hoose oo oranaya, waan aqbalay/yeelay masiixi maanta.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Waa maxay macnaha inaad ciise u oggolaatid in noqdo badbaaiyahaaga gaarka ah?
© Copyright Got Questions Ministries